Zakariye yazin's profile

diaroma laga sameeya suqi waheen ee gubtay

Diorama ( samays gacmeed ) ka turjumaya suuqii waheen ee gubtay
Diorama amase samays gacmeed waa nashqad amase model lagu diyariyo gacanta isga oo lo eekaysinayo meel , dhisme ama shay  kaas oo loo bahanyahay in la xasuusto 

Dioramahan amase samays gacmeedkan waxa uu wax tarwayn u leeyahy xasuusinta isga oo laga dhingan karo shay tariikh ah , iyada oo laga sameeyo meelaha gubta siday markii hore ahayeen ama sida ay xaaladu u dhacday , iyada oo laga dhigayo wax lataaban karo oo dadkuna arki karaan 

Samays gacmeedkan waxa anu ka samaynay oo uu ka turjumaya suqii waheen ee gubtay , kaas oo ay ku khasaartay hanti kor u dhaaysay 1.5 billion dollar sida anu kaso xiganay gudida loo magacaabay ,

Suuqani waxa uu aha kii ugu wayna ee ku yaalay magaalda hargeysa ama an nidhahno kii ugu wayna guud ahaan somaliland taas oo u samaynaysa ahmiyad gooni ah 
cabir ahaan waxa uu ku fadhiyay 5km oo square ah.


waxa xasuusin mudan marka la samaynayo diorama in aad u baahantahay in ad hesho shayga ad ka samaynayso sawirkiisa lixda dhinac ee shaygu yeelan karo taas waxay nagu khasabtay in aanu tagno suuqii si anu u helno sawirda guri kasta oo ku yaalay , tukan kasta iyo meherad kasta , taas oo mid walba sideeda gaarka ah loo samaynayay 
waxa anu isku daynay in aanu helno sawiraanta guri kasta lixdiisa dhinac taas oo nagu keentay in shaqadu badato oo ay qaadato muddo sannad ah in anu wadno iyda oo an laga tagayn taxadirka iyo anaga oo ku dadaalaynay in anu modelka anu samaynayno u eekaysiino dhab ahaan siduu suuqu ahaa
waxa qarankeenu dhistay madxaf lagu kaydinyo tariikhda somaliland iyo waxyaalaha gaarka u ah ee dal ahaan laga helo kaas oo gabo gabo ah  , dioramuhuna waa wax yaalaha aadka looga xiseeyo madxafyada ( mesuem) waxa rajaynaya hadii diaromahan ka turjumaya suuqii waheen ee gubtay oo ka qeyb qadan doono waxyaalaha xiisaha leh ee madxafka yaala madaama oo ka turjumaya malin madowayd oo qarankeena iyo shacabkeena soo martay iyo sida adkaysiga iyo samirka leh ee looga gudbay ee looga soo kabtay iyada oo allena inala garab galay mahadiisana ay tahay 
Wa humaag sawireed tilmaamay siduu u eekan lahaa hadii madxafka qaranka ( national mesuem) la dhigo diaromaha amse samays gacmeedka suuqa waheen gubahsadiisii
diaroma laga sameeya suqi waheen ee gubtay
Published:

diaroma laga sameeya suqi waheen ee gubtay

Published: